Allbanaadir.com
NEWS

Dal ansixiyey amar lagu xirayo Madaxweynaha Siiriya

Iraq oo soo saartay amar xiritaan oo ka Dhan ah Madaxweynaha Ku-meelgaarka Suuriya Axmed al-Sharaa.

Xildhibaanada baarlamanka dalka Ciraaq ayaa soo saaray amar lagu xirayo Axmed al-Sharaa, Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee Suuriya, haddii uu soo galo dalka Ciraaq.

Amarkan ayaa la xiriira eedeymo hore oo la xiriira argagixisanimo, iyadoo al-Sharaa uu horey uga tirsanaa ururka al-Qaacida, waxaana uu wajahayaa amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo gudaha Ciraaq.

Tani waxay dhalisay khilaaf siyaasadeed gudaha Ciraaq, iyadoo kooxaha Shiicada ee taageersan Iiraan ay si adag uga soo horjeesteen casuumaadda al-Sharaa ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee lagu qabanayo Baghdad.

Dhanka kale, siyaasiinta Sunniga ah ayaa difaacay casuumaadda, iyagoo u arka fursad diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka gobolka.

Wali lama xaqiijin in al-Sharaa uu ka qeyb geli doono shir-madaxeedka, iyadoo dowladda Ciraaq aysan si rasmi ah uga hadlin arrintan. Hase yeeshee, arrintan ayaa muujineysa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta Ciraaq iyo caqabadda ay wajahdo dowladda Ciraaq ee ah in ay isku dheellitirto xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka

Related posts

Hay’adda Duulista Rayidka oo soo saartay go’aan ku socda Qurbajoogta

Caydiid Ali

Milatariga Sudan oo inta badan la wareegay Khartuum iyo sifeyn socota

Cabdi Cade

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---