Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho: Cidna uma maqna, ceelna uma qodna

Warbixin Maaliyadeed oo uu daabacay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ayaaa lagu sheegay in sanadkii 2024 ay dowladdu soo xareysay $369,353,791 oo canshuur ah. Dakhligaas xooggiisu wuxuu ka soo xarooday canshuurta Dekadda iyo Garoonka ee Muqdisho.

Shirkadda MGS Soft oo dowladda u qaabilsan ururinta canshuurta guryaha waxay asbuucii hore baahisay in ay sanadkii la soo dhaafay ay guryaha Muqdisho ka ururiyeen $7,101,745. Guddoomiye Madaale wuxuu 2023 sheegay in ay Muqdisho ka shaqeeyaan 50,000 oo bajaaj. Waxaana sanadkii ka soo xaroodo $9,000,000. Waxaa intaas dheer canshuuraha iyo lacagaha kale ee Gobolku ururiyo.

Dhakhliga ay dowladdu Muqdisho ka ururiso wuxuu sanadkii ku dhow yahay nus bilyan doollar. Dowladda Soomaaliya waxay canshuur ka qaaddaa Muqdisho oo kaliya, oo Wasaaradda Maaliyaddu kama shaqeyso Balcad iyo Afgooye, iskaba daa Kismaayo, Beydhabo, Dhuusamarreeb, iyo Garowe. Waxaa intaas dheer, canshuurta laga qaado reer Muqdisho ayaa lagu biilaa dowlad-goboleedyada oo bil walba waxaa maamul-goboleed kasta loo diraa $150,000.

Shacabka Muqdisho waxay dulsaaran culeyska dowladda Federaalka, oo ku tiirsan dakhliga Xamar. Reer Muqdisho waa ka soo baxeen waajibkii dowladnimada ka saarnaa oo canshuur ayay dowladdu ka qaaddaa ganacsi, guri, gaari, bajaaj, iyo qof kasta oo Muqdisho jooga. Balse dowladda ayaa ku fashilantay waajibkii ka saarnaa reer Muqdisho. Waxaana nasiibdarro ah in shacabka laga qaado malaayiinta doollar ay ku nool yihiin dayac, darxumo, duruufo qallafsan, iyo nolol liidata, oo aysan dowladdu waxba ugu qaban canshuurta laga qaado.

Dowladdu reer Muqdisho uguma hambeyn sidii ay ugu liseen, garaacasho mooyee garashana ma leh. Dadka ku nool Muqdisho waxaa la gudboon in ay hurdada ka kacaan, oo ay xisaabtamaan, lana xisaabtamaan dowladda. Madaxda dowladdana waxaa la gudboon in ay dib isugu laabtaan, oo ay mushkiladaha tirobeelka ah ee Muqdisho ka jira ku xalliyaan qeyb ka mid ah canshuuraha malaayiinta ah ee bil walba laga qaado reer Muqdisho.

Hussein Sabriye

Related posts

Gudiyada doorashada Galmudug & Somaliland oo warejiyey xogta Xildhibaanada cusub

Caydiid Ali

Tirada dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta u galay kooxda Xamaas oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga dilay weerarkii Daaru-Naciim (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---