Allbanaadir.com
NEWS

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in bilaabeyso mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta, taas ay ku baxeyso Malaayiin Dollar.

Waxaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda Qaramada Midoobay billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, waxaana mashruucan ka baxaya lacag gaareysa 30-Milyan oo Dollar.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa malaayiin dollar ku bixisa mashaariicyo kala duwan ay kamid tahay geedi socodka nabada Soomaaliya iyo sidoo kale arimaha dib u heshiisiinta iyo maamul wadaaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Senatorkii dhawaan is casilay oo isku diiwaan galiyay Doorashada Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

William Ruto oo ku guuleystay in loo meel mariyo sanduuq dhaqaale oo muran dhaliyey

Cabdi Cade

Somalia oo ka falcelisay go’aan dhowaan ka soo baxay Maamulka Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---