Sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post ee ka soo baxa Israel Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qorsheynayo inuu aqoonsado dowlad Falastiin,inya uu ku guda jiro safar uu ku tagayo waddamada Khaliijka, sida Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka Carabta.
Trump ayaa sheegay inuu Isniinta la wadaagi doono adduunka war farxad leh, taasoo la rumeysan yahay inay la xiriirto aqoonsiga dowlad Falastiin.
Warbixinno kale ayaa muujinaya in xiriirka u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu sii xumaanayo, iyadoo Trump uu joojiyay la-tashiyada la xiriira arrimaha Yaman, Iran, iyo Falastiin. Tani waxay keentay in Israa’iil ay ka walaacdo isbeddelka siyaasadeed ee Mareykanka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Trump uu dhabarka u jeediyay Israa’iil.
Qorshaha Trump ee la xiriira aqoonsiga dowlad Falastiin ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda Bariga Dhexe, gaar ahaan xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in tallaabadan ay keeni karto isbeddel ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo waddamada Khaliijka, iyadoo la ogyahay in Sacuudi Carabiya ay horay u sheegtay in aysan xiriir la yeelan doonin Israa’iil ilaa la aqoonsado dowlad Falastiin.