Hay’adda Duulista Rayidka oo soo saartay go’aan ku socda Qurbajoogta

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inaan wax fiiso ah looga baahneyn iney horey u soo qaataan Soomaalida heysata baasaboorada ajaaniibta ah, laguna siinayo dal ku galka garoomada dalka

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso; inan wax fiiso ah looga baahneyn inuu horay usoo qaato qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta iyo goob walba oo ka soo dhoofayo, waxaana fiisaha lagu siinaya garoommada Dalka (visas on arrival)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dayuuradaha caalamiga ah iyo kuwa Localka ah ee ka shaqeeya dalalka Deriska la ah Soomaaliya ayaa dhibaato u geystay Soomaalida heysata Baasaboorada ajnabiga ah, waxayna ka reebaan inta badan diyaaradaha u socda Magaalooyinka Soomaaliya ee dalka laga soo galo, iyagoo ku xujeynaya iney la yimaadaan dal ku galka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa shalay soo saartay Warsaxaafadeed kan la mid ah oo ay ku caddeysey inaysan jiri karin dayuurad ka soo tagi karta ama diidi karta iney qaado qof kasta oo Asalkiisu yahay Soomaali heysatana Baasaboor ajnabi ah dunida meel kasta haka yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -