Gudiyada doorashada Galmudug & Somaliland oo warejiyey xogta Xildhibaanada cusub

Gudigga Maamulka Doorashada labada Aqal ee  Somaliland ayaa maanta wareejiyay agabkii Doorashada iyo xogta Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

Waxaa kala wareegay, Xubno uu hoggaaminayey Guddiga doorashada heer federaal ee Doorashada Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Mohamed Dahir Guled ayaa ku wareejiyey document-yada 45 Xildhibaan ee laga soo doortay Galmudug oo dhamaystiran Guddiga Doorashada heer Federaal  oo uu wakiil ka yahay Mr Mohamed Aadan Cismaan.

Sidoo kale waxaa wareejinta goobjoog ka ahaa Cabdicasiis Cabdiraxman Yuusuf oo xubnaha Galmudug FEIT wakiilka uga ahaa ka mid ah.

Gudoomiye ku xigeenka SEIT Galmudug Saacid Aadan Jaamac, Xoghayaha Maaliyadda SEIT Galmudug Yahye Cismaan Geedi iyo Ayaan Cabdirahman Maxamuud oo wakiil ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -