Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta u galay kooxda Xamaas oo la shaaciyay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka Israa’iiliyiinta ah ee kooxda Xamaas isbuucii hore horraantiisa ka afduubteen dhulka xoogga ku heesato Israa’iil, waxaana dadkan Xamaas gacantooda ku jira ka walaacsan ehelkooda.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa shalay sheegay in dadka u dhashay Israel ee ku jira gacanta kooxda Xamaas ay gaarayaan 155 qof, hasa ahaatee waxaa hadda sii kordhay tirada uu shalay afhayeenka sheegay.

War cusub uu maanta soo saaray afhayeenka ciidamada Israel ayuu ku sheegay tirada dadka ay afduub ahaanta u heestaan kooxda Xamaas ay hadda gaarayaan 199-qof ay ku jiraan haween iyo carruur.

Afhayeenka ayaa sheegay in ehelada dadka maqan ay ciidamada lasoo wadaageen xogta dadkooda maqan, waxa uuna ka gaabsaday afhayeenka in faah faahino badan ka bixiyo dadka Xamaas heesato.

Kooxda Xamaas ayaa horey u sheegtay in duqeymaha ciidamada Israa’iil ku garaacayaan magaalada Gaza ay ku dhinteen qaar kamid ah dadkii ay heesteen, waxa ayna Xamaas sidoo kale ku hanjabeen in dadkan dili doonaan haddii ay duqeymaha sii socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo wada Qorshayaal badan oo halis ku ah Soomaaliya Mustaqbalka dhow !!

Cabdi Cade

Waalidiin badan oo ka cabanaya lacago baad u eg oo looga qaadayo Iskuulada Muqdisho

Cabdi Cade

Musharaxiinta maka tanaasuleen dibad-baxii ka baaqday Mise waa loo awood sheegtay?

admin
Taboola Ads ---