Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga dilay weerarkii Daaru-Naciim (Sawirro)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar qarax ku bilowday ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Daaru-Naciim ee hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka xooggan ee saakay dhax maray ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, waxa ayna labada dhinac guulo ka sheegteen dagaalkaasi.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay kusoo qaadeen saldhig ciidanka ku lahaayeen deegaanka Daaru-naciim.

Waxa uu sheegay wasiir kuxigeenka in Al Shabaab weerarkaasi looga dilay in ka badan 30-dagaalyahan, waxa uu sidoo kale sheegay in looga gubay gaadiid ay wateen loogana qabsaday hub nuucyo kala duwan leh.

Al Shabaab ayaa sidoo kale weerarkan ay saakay ku qaadeen deegaanka Daaru-Naciim ka sheegatay guul, waxa ayna dhankooda shaaciyeen in dagaalka ku dileen 20-askari tiro kalana ku dhaawaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -