Warbaahinta Dowlada oo markii ugu horeesay loo bedelay nidaamka adeega dadweynaha

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa maanta furay munaasabad lagu daah furayo geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Wasiirka ,ayaa ku dhawaaqay in hada waxii ka dambeeyay ay warbaahinta dowladda loo bedelay nidaamka adeega dadweynaha,halkaasi oo ay soo xaadireen ururada bulshada,ururada saxaafada iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiyada siyaasada dalka,

“Warbaahinta dowladda waa inay ushaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday ayuu yiri wasiir Maareeye

Xubanaha ururada saxaafad,bulshada rayidka iyo xisbiyada ayaa soo dhaweeyay hase  ahaate waxa ay ugu baaqeen hogaanka wasaaradda warfaafinta inay ka dhabeeyaan hirgalinta adeegga warbaahinta dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hore u saxiixay xeerka saxaafada, kaas oo kasoo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -