Guddiga doorashada Jubbaland oo diiwaangeliyay Musharaxiin kuraas loo xiray (Sawirro)

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa maanta diiwaangeliyay musharaxiin ku tartameysa doorashada labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP029 & HOP124  oo lagu wado in berri lagu doorto Kismaayo.

Doorashada labadan kursi ayaa si gaar ah loogu xiray musharaxiin uu wato Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland , waxaana doorashada labadan kursi laga hor istaagay musharaxiin damac uga jiray ay ku jiraan kuwi horey ugu fadhiyay.

Kursiga HOP124 ayaa loo diiwaangeliyay in ay ku tartamaan Cabdullaahi Mukhtaar iyo Maxamed Cabdirahmaan Nadiif , waxaana kursigan kusoo baxaya oo loo xiray Xildhibaan hore Xildhibaan Maxamed Cabdirahmaan Nadiif.

Waxaa kursigan loo diiday in uu mar kale u tartamo xildhibaankii horey ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere oo ah saaxiibka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin,waxaana ninkan kursiga u diiday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP029 ayaa sidoo kale loo diiwaangeliyay labo musharax oo ku tartami doono kuwaa oo kala ah Musharax Xildhibaan Axmed Maxamuud Jama iyo musharax Xildhibaan Cabdiqani Cali Ciise.

Doorashada kuraastan ayaana lagu wadaa in ay ka qabsoonto magaalada Kismaayo , waxaana wali Jubbaland ku hari doono 18 kursi oo 17-kamid ah khilaaf ka jiro doorsahadooda kuwaa oo horey loo qorsheeyay in Garbahaarey ka qabsoonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -