Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ayaa goor dhow waxaa uu kulan uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Guddoonka baarlamanka Galmudug ayaa sheegay in ajendaha kulanka maanta uu yahay dhegeysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in maanta ay khudbadooda jeedinayaan 9 musharax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha, shanta kalena madaxweyne ku-xigeenka kuwaasoo la siiyey shahaadada musharaxnimada, waxayna kala yihiin magacyadooda.

Musharaxiinta Madaxweynaha

1-Axmed Shire Maxamed
2-C/llaahi C/llaahi Samatar
3-C/raxmaan Aadan Sabriye
4-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor)

Musharaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka

1-Axmed Yuusug Warsame (Taajir)
2-Cali Daahir Ciid
3-Saadaq C/llaahi Xaashi
4-C/qani Shiikh Cali Diini
5-Maxamed Xaashi Carabey

Maalinta beri ah oo ku beegan 30-ka bisha Janaayo ayaa la filayaa iney dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana doorashadan qaadacay Ahlu sunna iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka Xooga oo isbadal ku sameeyay Talisyo ciidanka xooga katirsan (Akhriso)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dab caawa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Yaa bixiyey amarka Boolisku ay timaha uga jarayaan dhalinyarada Muqdisho qaarkood?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---