Wakaaladda Fars oo soo xiganaysa ilo ayaa waxay sheegtay suurtagalnimada in maamulka Israa’iil uu adeegsaday uranium-ka la khafiifiyay weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Iiraan.
Waxay sheegtay in tijaabooyinka hordhaca ah ee laga qaaday goobaha ay Israel bartilmaameedsatay ay muujinayaan raadad tilmaamaya jiritaanka uranium.
Arrintan ayaa waxa ay gelinaysaa marxalad cusub oo halis ah hadii dagaal uu mar kale ka dhex qarxo labada dal.
Dhinaca kale, Mohammad Reza Aref, ku-xigeenka koowaad ee madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Iran aysan mustaqbalka ogolaan doonin wax wadahadal ah oo ku saabsan arrinta bacriminta uraniyumka gudaha dalka.
Wuxuu xusay in dalka uu galay marxalad cusub oo xisaabihii caalamiga iyo tan gobolka ay si buuxda isu beddeleen, ayna waddamada reer galbeedku hadda ka dib awoodi doonin in ay ku soo rogaan shuruudahoodii hore.