Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ka hadlay kulankii Xassan Shiikh & Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa kahadlay aragtidiisa ku aadan kulankii Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan wax ka bedelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Shirka u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaanka Mucaaradka ayaa la isku afgartay oo la isku raacay in laga wada hadlo illaa afar qodobo oo kala ah:-

1- Adkeynta Midnimada dalka,

2- Hannaanka Dib u eegista Dastuurka

3- Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada

4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

Shirka ayaa lagu balamay in dib la isugu soo laabto maalmaha xoriyadda kaddib oo shirku dib u furmo 3 bisha July.

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA FARMAAJO.

War saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka  doorashada dalka, waxaana soo  dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa.

Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in  Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.

Waxaan sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeedinayaa inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka, sidaa darteed waxaa lagama maar-maan ah in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Related posts

Nin u dhintay Daawo uu u isticmaalka kahor taga Caronavirus iyo Trump oo sabab u ah

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii ka dhacay Galcad iyo dayuuradaha Mareykanka oo..

Caydiid Ali

Israa’iil oo duqeyn culus ku garaacday masaajidka Shuhadada Al Aqsa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---