Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo miino kula kacday degaanka Bacaadweyn

Qarax miino ayaa saaka qabsaday gaari caasi ah oo marayey degaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug kaasoo geystay khasaare nafeed.

Laba qof oo shacab ah ayey wararku sheegayaan iney ku geeriyootay gaarigan qaraxu saameeyey oo ka baxay degaanka Qeycad kuna sii jeeday Bacaadweyn.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa darawalkii gaariga iyo Nin kale, waxaana la soo warinayaa ineysan cid kale la socon.

sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Miinada ayaa waxaa halkaasi ku aasay Al-Shabaab oo maalmahan dagaalo kula jiray ciidamada Galmudug ee degaanadaas ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gobol ka tirsan Itoobiya oo qarka u saaran dalkaas intiisa kale inuu ka go’o

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise: “Muddo kororsiga Madax goboleedyada waxaa ka dhalanaya..””

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---