Beesha caalamka oo quus ka taagan dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida

Xubnaha beesha caalamka ayaa laga soo xigtay inay ka daaleen u kala dabqaadida hogaamiyayaasha Soomaalida, iyagoo taagan halkii ugu dambaysay oo ay go’aankooda kama danbaysta ah ugu gudbin lahaayeen golaha amaanka ee Q/midoobay si ay qaraar uga qaataan arrimaha Soomaaliya.

Fadhiyadii ugu danbeeyay ee ay ku niyad jabeen ayaa ahaa kii ay la qaateen shinacyada xukuumadda RW Maxamed Xusseen Rooble iyo Madaxwaynayaasha Maamul goboleedyada Puntlabd iyo Jubbaland.

Beesha caalamka oo kulamo la qaadatay dhinacyo ka baxsan hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa sheegtay in markii ay RW Rooble la kulmeen ay ka dalbadeen in uu kulan la qaato shanta Maamul goboleed islamarkaana ay isla dajiyaan ajandayaasha ku hor gudban furitaanka Shirka.

RW rooble oo ka aqbalay arrintaas ayay u tageen Siciid Dani iyo Axmed Madoobe waxaana ay Axmed Madoobe iyo Dani aqbaleen in kulan RW rooble gudoominayo uu dhaco si ajandayaasha la isula meeldhigo.

Beesha Caalamka ayaa isla goobtii ay kula shirayeen Labada hogaamiye ee PL iyo JL fariin uga diray PM ka, una sheegay in labada Mas’uul ay arrintaas aqbaleen oo ay tahay in shir beesha caalamku qayb ka tahay uu dhexmaro shanta Madaxwane iyo RWasaaraha.

Sida ay beesha caalamku u sheegtay dadkii ay la kulmeen RW Rooble  waa uu aqbalay shirkaas balse saacado kadib ayuu fariin u diray beeaha caalamka,isaga oo ku yiri, inaga oo kaliya isu kaaya daaya, shirkiina maanta ma qabsoomin.

Waxaa kale oo la sheegayaa in sadexda Madaxwayne ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed u gudbiyeen beesha caalamka inay arrintii dhexdhexaadinta gacan ka taageen.

Waxa kaliya oo haddii aan todobaadkaan shirku Furman ay tahay in beesha caalamku ay golaha amaanka u gudbiso inay ku adkaatay heshiiskii lagu gaari lahaa nidaamka doorashada, kadibna Golaha amaanku uu qaraar ka qaato arrimaha Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan maanta ayaa golaha amaanku ka sugayay ergaygooda arrimaha Soomaaluya warbixin ku saabsan arrimaha hortaagan doorashadii la filayay in ay dalka ka dhacdo.

Waxaa ay beesha caalamku ka soo horjeedaa in la sameeyo doorasho hal dhinac ah, mid is barbaryaaca iyo muddo kororsi sida ay horey ugu sheegeen

Xassan Shiikh Axmed cadde

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -