Xassan Shiikh oo ka qeyb galay Munaasabada calansaarka 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu saaka ubax dhigo qaar ka mid ah taalooyinka halgamaayaashii Soomaaliyeed ee ku yaalla magaalada Muqdisho sida Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, SYL, Dhagaxtuur iyo Xaawo taako.

Sidoo kale madaxda Qaranka ayaa ka qeyb galaya maanta isku soo baxy iyo dabaaldeg ay a qeyb galayaan qeybaha bulshada oo lagu qabanayo garoonka dedan ee Muqdisho Istadium, halkaasoo Madaxweynuhu ka jeedin doono khudbad ku aadan munaasabada 1da Luulyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -