Xanibaada Ruushka uu saaray dekedaha Ukraine oo sicir barar ka abuurtay Afrika

Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Luxembourg waxay kaga wada xaajoodeen sidii loo fududayn lahaa in malaayiinta ton ee sarreenka ah ee ku xanniban dalka Ukraine inay gaadhaan dalalka loo wado, ka dib markii dalka Ruushku uu xannibaad ku soo rogay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda Madow.

Ukraine oo ka mida dalalka ugu badan ee soo saara sarreenka dunida laga isticmaalo ayaa haatan awoodi wayday inay sarreenkeeda debedda u dhoofiso. In ka badan 20 million oo ton oo sarreen ah ayaa ku xanniban dekedaheeda, tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Moscow ayaa iyadu iska diiday in dalkeedu uu ka masuul yahay qalalaasaha dhinaca cuntada ee caalamka ka taagan, iyaga oo taas bedelkeeda ku eedeeyey in cunaqabataynada ay soo rogeen Wadamada reer Galbeedku inay keentay cunto yarida ka jirta caalamka.

Wasiirada Arrimaha Debedda ee Midawga Yurub ayaa haatan ka fekeraya sidii arrintaas xal looga gaadhi lahaa, waxaana qorshayaasha laga wada hadlay ku jira in Qaramada Midoobay ay door ka cayaarto sidii ay Moscow ugu qancin lahayd inay xannibaadda ka qaaddo dekedaha Ukraine, si debedda loogu dhoofiyo sarreenka, halka taas bedelkeeda loo ogolaanayo dalka Ruushku inuu wadamada caalamka u dhoofiyo cuntooyinka uu soo saaro iyo waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo.

Turkiga oo xiriir dhow la leh Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay kormeeri doonaan dhaqangalka heshiiska, haddii heshiis la gaaro.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Isniintii sheegay in Afrika “ay la-heyste” u tahay dagaal ay kula jiraan Ruushka, kaas oo sababay sare u kaca qiimaha cuntada ee qaaradda Afrika.

Wadamada Afrika waxaa si weyn u saameeyay dhibaatada sii kordheysa ee keentay in qiimaha raashinka, Saliidda, Shidaalka iyo Bacriminta ay sare u kacaan.

Ruushka iyo Ukrain ayaa soo saara ku dhawaad saddex meelood meel ka mid ah sahayda qamadiga adduunka, halka Ruushku sidoo kale yahay dalka adduunka ugu badan ee dhoofiya bacriminta iyadoo Ukraine ay tahay dalka dhoofinta ugu weyn ee saliidda galleyda.

 

- Advertisement -