Shiikh Xasan Daahir Aweys oo taageeray weerar ay dhowaan geysteen Al-shabaab

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho oo xabsi guri ugu jira dowlada Somalia ayaa video uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay kaga hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen 26-kii bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa nin lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare.

Waxaa uu sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Soomaaliyed, wuxuuna ku taageeray Al-Shabaab fulinta weerarkaasi.

Shiikh Xasan Daahir  ayaa sheegay Al-Shabaab fulinta weerarkaasi ay ka saxnaayeen inkastoo buu yiri xiliyada qaar ay sameeyaan weeraro ay kaga oohiyaan shacabka Soomaaliyed.

“Waa ku ammaanan yihiin weerarkii Gaalkacyo qoladii sameysay, waana dareemayaa Soomaalida dhan nin kasta oo Islaam ah oo garanayay ninkaasi & fidnadiisa ay ku faraxsan yihiin” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xertii C/wali Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay 21 qof oo ay ku jireen wadaadka, Xaaskiisa iyo carruur uu dhalay.

Ninkan oo oo horey ugu kacay qaladaad dhinaca diinta ah ayaa weerarka lagu dilay aragtyo kala duwan ka bixiyey shacabka Soomaalida oo qaarkood soo dhoweeyey dilkiisa halka qaar kalena ay dhaliileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -