Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) James Swan & wafdi la socda oo Baydhabo kula kulmay Laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdigan Madax ka socotay Hay’addaha IOM iyo OCHA.

Kulanka ayaa inta uu socday looga Hadlay Arimaha Gargaarka, Saamaynta Ayaxa iyo xal u helida muranka ka taagan Arimaha Doorashooyinka dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa dedaalo ku aadan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu gabaabsi yahay waqtiga u haray madaxda sare ee DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hay’adda NISA oo sheegtay iney qabatay Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo gacanta ugu jiray (Akhriso Magacyada)

admin

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka jawaabtay cabashada ka soo yeertay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---