Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay siyaasiyiin dalal shisheeye lacago ka qaata

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin dowlado shisheeye lacago laaluush ah uga soo qaataan in ay magac dilaan dalka.
Wasiir Axmed Fiqi ayaana ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta dalalka shisheeye lacagaha kasoo qaatay, kuwaa  uu sheegay in ay garanayaan, haddii ay ka tanaasuli waayaan waddadaas qaldan oo ay ku socdaan.
” Dalkan, waxaan oganahay rag mas’uuliyiin ah oo lacag lagu soo siiyay oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen oo aan haynaa xaqiiqdood, magac dil sameeyaan biilna ku qaata, waan oganahay dadkaas, weyna is ogyihiin, dadkaas in ay daka soo hor istaagaan ma ahayn oo waliba Soomaali in ay wax u sheegaan,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in maalin maalmaha ka mid ah kashifi doonaan mas’uuliyiintaas haddii ay ka joogi waayaan arrimaha gurracan ee magac dilka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
”Waa kashifeynaa maalinkeeeda haddii ay xishoon waayaan oo ka joogi waayaan bannaanka ayaa la soo dhigayaa, mucaarad waa ahaan jirnay waxna waa sheegi jirnay, haddii ay wax wanaagsan sameysanaha waa taageeri jirnay,”. ayuu yiri Axmed Fiqi.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mucaaradka siyaasadda u kala socnaadaan waxyaabaha xukunka lagu kala ridanayo iyo dalka sumcad dilkiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aaden cadde iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---