Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Ciidamo maanta dowlada Federaalka geysay Baydhabo

Wasiirka Amniga maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka hadlay ciidamo hubeesan oo dowlada Federaalka maanta geysay magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in ciidamada maanta la geeyay magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamo horey u dalbaday maamulkooda, waxa uuna sheegay Wasiirka in ciidamadan Baydhabo la keenay ay sugayaan amaanka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

” Baydhabo waxaa maanta la keenay ciidamo boolis ah oo heer federaal ah , ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno Baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Ciidamo booliis si gaar ah u tababaran ayaa maanta la geeyay Baydhabo, waxaana ciidankan dowlada geysay Baydhabo walaac xoogan ka muujiyay Xildhibanao katirsan dowlada Federaalka iyo qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -