Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

YAAB: Baarlamanka Afrika ugu mushaharka badan oo dalbanaya Mushahar kordhin

Xildhibaanada Baarlamanka dalka Kenya oo lagu tiriyo in ay ka mid yihiin kuwa ugu mushaharka badan caalamka ayaa weli saluugsan, iyagoo wada qorshe ay ku doonayaan in mushaharka loogu kordhiyo.

Waxaa aqalka baarlamanka ee dalka Kenya horyaalo hindise sharciyeed qabyo ah oo ay soo jeediyeen guddiga xildhibaanada ee u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga.

Hindisan oo aan wali la meel marinin, buuq badan ka dhaliyay guud ahaa dalka Kenya ayaa haddii la ansixiyo waxaa uu xildhibanaada iyo guddoonka barlamaanka ee Kenya uu u oggolaanayaa inay helaan lacago gunnooyin ah.

Xildhibanaada ayaa heli doona baabuur, guri, shidaalka baabuurka, caymiis dhanka caafimaadka iyo lacago gunnooyin ah marka ay aadaan safarada dalka dibadiisa.

Xildhibanaada ayaa haatan mushahar ahaan u qaata lacag ku dhaw toban kun oo dollar bil walba

Dalabka xildhibanaada ayaa dad qaar waxay u arkaan inuusan munaasab aheyn xiligan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in mudanayaasha ay dib uga fikaraan, damacoodana hoos u dhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada federaalka oo laalay natiijada labo kursi oo lagu doortay Baydhabo

Caydiid Ali

Dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow SOS Children’s Village iyo Sababtii keentay in la aas aaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---