Allbanaadir.com
NEWS

Wax badan ka Ogow SOS Children’s Village iyo Sababtii keentay in la aas aaso

SOS Children’s Village Waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii, waxaana aasaasay arday da’yar oo Austrian ah oo bartay cilmiga caafimaadka, Hermann Gmeiner, kaasoo goob joog u ahaa dhibta haysata carruur badan oo agoon ah iyo kuwo la dayacay dagaalkii labaad ee Adduunka ka dib, dareemayna in wax loo qabto si loo caawiyo.

Waxay u badan tahay inaad aragtay soo gaabinta “SOS.” laakiin ma garanaysaa waxa “SOS” ay u ​​taagan tahay? Ka hor inta aan lagu magacaabin SOS Children’s Villages, Waxaa ka jirtay magaalada Imst ee dalka Austria Naadi la yiraado Societas Socialis waxay ahayd naadi bulsho oo loo habeeyey in lagu ururiyo dhaqaalaha daryeelka carruurta waalid la’aanta ah ee Austria. Taasi waa meesha ay “SOS” ka timid, oo ah soo gaabinta magaca naadiga.

Gmeiner – SOS waxu ula jeeday Societas Socialis waa weedh Laatiin ah oo macno ahaan u tarjumaysa (social service society) bulsho u adeegga bulshada. Hermann Gmeiner waxa uu bixiyay magaca SOS Children’s Villages si loo xoojiyo baaqa ku wajahan carruurta u baahan  daryeelka SOS adduunka oo dhan. Gmeiner wuxuu rumaysnaa in ilmo kastaa u qalmo hooyo ama aabbe, iyo sidoo kale walaalo, guri, iyo deegaan bulsho oo taageera.

SOS waa hay’ad madax-bannaan, aan dawli ahayn, hay’ad horumarineed oo caalami ah oo aan macaash doon ahayn oo xarunteedu tahay Innsbruck, Austria. Hay’addu waxay siisaa gargaar bini’aadantinimo iyo korriin carruurta u baahan waxayna ilaalisaa danahooda iyo xuquuqdooda adduunka oo dhan. Maanta, SOS waxay ka hawlgashaa 135 waddan iyo dhulalka adduunka oo dhan, Afrika 47 dal , Amerika 22 dal, Asia 32, Yurubna 35 dal, SOS waxaa ay leedahay 2,000 oo xarumood oo adduunka oo dhan.

Hermann Gmeiner waxa uu ahaa madaxweynaha SOS ilaa 1985 kadib waxa xilka ku wareegay Helmut Kutin oo ku dhashay 1941-kii magaalada Bolzano ee dalka Talyaaniga, kana mid ahaa carruurtii ugu horreysay ee la geeyo SOS Austria, waxa uu 27 sano hoggaaminayey ururka SOS Children’s Village International 27 sano kaddib 2012, waxa xilka kala wareegay Siddhartha Kaul, oo ku dhashay 1951-kii Pilani. , Hindiya.

Dr. Dereje Wordofa waa Madaxweynaha SOS tan iyo bishii Juun 2021 markaasoo loo doortay madaxa Golaha Guud, oo ah hay’adda maamulka ugu sareysa ee ururka. Waa madaxweynihii afraad ee 70-sano ka badan ee taariikhda SOS Children’s Villages.

Hawlaha Hay’adda SOS ee Soomaaliya waxa ay soo bilowdeen sannadkii 1983-dii markaasoo heshiis lala saxeexday dawladdii hore ee Soomaaliya, 1991-dii markii dagaalkii sokeeye uu qarxay, waxaa ay SOS bilowday barnaamijyo caafimaad iyo cunto degdeg ah. SOS waxay u joogtey dalkeena si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed markii ay ka baxeen badi hay’adaha gargaarka caalamiga ah.

Waxa Qoray: Yusuf Sodal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abaabul Dagaal xoog leh oo socda iyo ciidamada oo sugaya ammar ay ku dhaqaaqaan

Cabdi Cade

Theresa May oo iska casishay xilka Raisul Wasaaraha dalka Britain

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo caawa weerar culus ka geystay saldhig ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali