Maraykanka oo war ka soo saaray Weerarkii ka dhacay degaanka Aw-dheegle (Akhriso)

Mareykanka ayaa war ka soo saaray duqeyn uu la beegsaday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose habeen hore.

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah Al-Shabaab, lagumana cadeynin qoraalka wax khasaare nafeed oo soo gaaray shacabka ku sugan Aw-dheegle.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar isla markaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda yar ee Daacish iyo Ururka Al-Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -