Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Afawerkh oo booqasho taariikhi ah ku tagaya dalka Jabuuti

Madaxwaynaha Eritrea Isias Afawerkh ayaa dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay, taasoo salka ku heysa muran la xiriira dhinaca xuduuda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in madaxwayne Isiyas Afewarkh uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

Afawarkh ayaa la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan siddii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaag iyo nabadgalyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wada xaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaasoo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxda Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ay dagaalameen.

Muranka dhinaca xuduuda ah ee labada dowladood ayaa salka ku haya jasiiradda lama degaanka ah ee Dumeira oo dal walba uu sheeganayo lahaanshaheeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo codsi u dirtay Shacabkeeda iyo Ajaaniibta kale ee dalkeeda kunool

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo lagu toogtay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo guuray Dhuusomareeb iyo qorshaha xiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---