Ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan oo xalay weerar Cir iyo dhul ah ku qaaday Deegaanka…

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helayay Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar isugu jiray cir iyo dhul waxa ay ku qaadeen deegaanka Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada huwanta ah oo adeegsanayay diyaarado ayaa gudaha ugu daatay deegaanka Owdheegle gaar ahaan meel ku dhaw saldhiga Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad xoogan.

Dadka deegaanka Owdheegle ayaa ku waramay in ay maqlayeen rasaas culus oo dhaceysa, waxaana hugunka rasaasta la is dhaafsanayay ka dhaceysay gudaha deegaanka gaar ahaan meel ku dhaw Saldhig booliis oo Al Shabaab leeyihiin.

Sargaal u hadlay Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka xalay lagu soo qaaday fashiliyeen, waxa uuna xusay sargaalkan in dagaalyahanada Al Shabaab dagaal culus kala hortageen ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida isugu jiray.

“Mujaahidiintu si adag ayay isaga difaaceen weerar ay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Bangaraafta kusoo qaadeen Awdheegle , Alle Mahaddiis cadawgu waa ku fashilmeen ujeedkii weerarkooda mujaahidiintuna dharbaaxo adag ayay ku dhufteen markii damabana waxay maciin bideen duqeymo xagga cirka ah” Ayuu yiri sargaalkan Shabaab katirsan.

Wararka ana heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka duqeymo la beegsadeen qeybo kamid ah deegaanka Owdheegle, lamana oga wali khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee xalay ka dhacay Owdheegle iyo duqeymaha hareer socday.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ayaa marar badan weeraro xoogan oo isugu jira cir iyo dhul waxa ay ku qaadeeen deegaano badan ay Al Shabaab ka joogaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -