Xildhibaan Ceeb iyo Fashil ka raacday dad ay usoo kireesatay Imtixaan Jaamacadeed

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalka Bangaladesh ayaa ceeb iyo fashil ka raacday qorshe ay ku dooneysay in ay ku baasto imtixaanka Jaamacad ay ka diiwaangashan tahay oo dalkeeda kuyaala.

Tamanna Nusrat, oo katirsan xisbiga talada haya ee dalka Bangaladesh ayaa hada laga tiray diiwaanka jaamacadii ay dhiganeysay ,kadib markii la qabtay 8-qof ay usoo kireesatay in ay u galaan imtixaanka.

Xildhibaanadan oo horey uga geeriyooday Lokman Hossain, oo ahaa duqii magaalada Dhaka ayaa iska diiwaan galisay jaamacada Open si ay u sameyso shahaadada koobaad ee jaamacada.

Sheekadan ayaa banaanka timid kadib markii telefishin laga leeyahay dalka Bangaladesh uu booqday jaamacada xili imtixaanka socday, waxa ayna Wariyaasha arkeen ruux imtixaanka u galayay Xildhibaanada.

Hormuud ku xigeenka jaamacadda Open, Prof MA Mannan ayaa shaaciyay in liiska ardayda wax ka dhigata jaamacada laga saaray Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in mar dambe loo ogolaan doonin in imtixaan usoo fariisato jaamacada.

Dhacdadan ayeyna Xildhibaanada kala kulantay ceeb iyo fashil , waxaana hada la isweediinayaa sax ahaanshahah shahaadooyinka ay heestaan masuuliyiin badan oo katirsan dowlada Bangaladesh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -