Falal amaan daro oo kusoo kordhay magaalada Baydhabo xili lagu wado in Doorasho ka dhacdo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa 19-ka bishan in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo waxaa hada ku sugan oo ololahooda doorasho kawada Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana magaalada laga dareemayaa saxmad badan iyo olole xoogan oo ka socda.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa saacadihii lasoo dhaafay u muuqday mid aan la isku haleyn karin, waxaana magaalada ka dhacay Weeraro bambaano oo qaarkood khasaaro dhaliyeen.

Ciidamada amaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa hada kordhiyay feejignaantooda, waxa ayna ciidamada howlgalo baaritaano ah ka bilaabeen xaafado katirsan magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa qeybo kamid ah lagu arkayaa ciidamo cusub oo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo dhawaan dowlada Federaalka geeysay magaaladaasi si ay u xoojiyaan amaanka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -