Doorashada Aqalka sare oo ka bilaabaneysa Baydhabo iyo Madaxweyne Lafta Gareen oo…

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo maalmo badan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa goordhaw dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa magaalada Muqdisho u joogay shirar looga arinsanayay sidii doorashada loo bilaabi lahaa, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ugu laabtay sidii uu halkaasi uga bilaabi lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku cadaadinaya Madaxda maamulada taabacsan Dowlada federaalka in ay si deg deg ah u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka sare si looga gudbo xeendaabka adag ee ku hor gudban doorashada.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaana la filayaa in uu noqdo maamulkii ugu horeeyay ee ka bilaabato doorashada Aqalka sare, waxaana la filayaa in ay kusoo xigsadaan maamulada kale ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali diidan doorashada in ay ka dhacdo deegaanada ay maamulaan iyada oon la xalin tabashooyinka taagan gaar ahaan arinta gobolka Gedo iyo guddiyada doorashada ee lagu murasnsan yahay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan cadeeyay in doorashada si deg deg ah uga bilaaban doonto dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay u qabsoomi karaan doorasho aan raali laga aheyn ayna diidan yihiin maamulada qaar iyo Musharaxiinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -