Maxamed Bin Salman oo la sheegay in uu Amray dilkii Jamal Khashoggi

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu eedeenayaa in uu isagu amray dilkii argagaxa lahaa ee magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamaal Khashoggi oo aad u dhaliili jiray nidaamka ka jira Sacuudiga.

Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan isagu amray dilkii loo geestay Jamal Khashoggi , waxa ayna Senetaradan sheegeen in la hayo cadeymo ku aadan in Amiirku dilkaasi amray.

Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaada laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay.

Senator Lindsey Graham ayaa isna sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Jamal Khashoggi, waxa uuna meesha ka saaray beyninta Sacuudiga ee lagu dafiray in Maxamed Bin Salmaan dilkaasi amray.

Madaxweynaha dowlada Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay Maxamed Bin Salmaan ee lagu eedeenayo in uu wax ka ogaa dilka Jamal Khashoggi, waxa uuna Trump cadeeyay in uunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa marar badan beenisay in Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Wariye Khashoggi, waxa ayna Sacuudiga balan qaaday in ay ciqaabi doonto kuwii dilka Wariyaha ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -