Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ballanqaad muhiim ah u sameeyay Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ummadeed oo taabba-gal ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.

“Waxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda, waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen, waxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiran”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka deegaanku ay heli doonnaan adeegyada hey’addaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Xudur

Cabdi Cade

Meydka Haweeney si xun loo dilay oo saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---