Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Haweeney si xun loo dilay oo saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa saakay meel qashin qub oo ah kutaala xaafada Buulo Maaxay ee degmada Kaaraan lagu arkay meydka haweeneyd la sheegay in jir dil iyo dhibaatooyin kale oo xoogan loo geestay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaana ku waramay in saakay markii lasoo toosay kadib meel geedo kuyaalaan lagu dhax arkay meydka haweeney jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan.

Sida aan wararka ku helnay meydka haweeneyda la dilay ayaana ciidamada booliiska saldhiga degmada Kaaraan waxa ay u qaadeen xarunta Dambi baarista booliiska Soomaaliya ee CID.

Wali lama oga cida ka dambeesay falkan lagu dilay gabadhan Soomaaliyeed oon wali la shaacin xogteeda, laamaha amaanka ayaana wada baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Falalka isugu jira dilalka iyo kufsuiga loo geesto gabdhaha Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanayay gayiga Soomaaliya, waxaana falalkan argagaxa leh cabsi badan ku buureen dadka Soomaaliyeed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Sh/hoose & Ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Guddoomisay shir ka dhacay magaalada Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir aan caadi aheyn kaga qeyb galaya Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---