Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta NIRA ee Laascaanood oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta hay’adda diiwaangalinta aqoonsiga dadweynaha ee (NIRA), oo xarun cusub ku yeelan doonta Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Xaruntaan ayaa bulshada deegaanka u qaban doonta adeeg muhiim ah, iyagoo ka heli doonaan Kaarka aqoonsiga Qaranka (Natinal ID) waxaana ay ka baaqsan doonaan in adeeggaan ay safar dheer u galaan.

“Qofka Muwaadinka ah waa in la diiwaan galiyo, oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah, marka xaqiiqdaas ayaa uga curatay reer Khaatumo deegaanada maamulka, waana ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyey ee la diiwaan galiyo”.

Aqoonsiga Qaranku waa xaq dastuuri ah oo Muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi qaran iyo diiwaangelin, waana saldhigga horumar kasta ee qaranku hiigsado.

Xukuumadda DanQaran oo fulineysa waajibkaas ayaa dib u yagleeshay Aqoonsi Qaran oo dhijitaal ah, xogtiisuna ay sugan tahay.

Related posts

Siyaasi Dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay Cadeyso Maqaamka Muqdisho

Cabdi Cade

Kismaayo: Xukun dil ah oo lagu riday shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir looga hadlay arrimo kala duwan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---