Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Norwey (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ku soo taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka Al Shabaab.

Madaxweynaha oo munaasabadda mahadcelinta iyo soo dhoweynta ah ka hadlay ayaa la wadaagay guulaha laga soo hooyay xasilinta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Norway ay Soomaaliya soo garab qabatay xilii xasaasi ah, wuxuuna xusay in ay gacan weyn ka geysatay arrinta deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway usoo jeediyay in dedaalladooda ku aaddan taageerada dowladda ay sii laba laabaan isagoo kula dardaarmay dib usoo kabashada dalkoda ay ka qayb qaataan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jira khawaarijta uu meel fiican marayo, isagoo ugu mahad celiyay shacabkii ka dhiidhiyay dhibaatada nabad-diidka, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lasoo afjari doono kooxaha argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo loo magacaabay in uu dhax dhaxaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Munaasabad lagu soo dhaweenayay Guddigii uu magacaabay Sheekh Shaakir oo la qabtay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) AMISOM oo balan-qaad Muhiim ah u sameysay Madaxweyne Qoorqoor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---