Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Xudur

Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo la sheegay in ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa ku bur burtay garoonka diyaaradaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool .

Dad ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay in ay arkeen diyaarada ciidamada Itoobiya oo ku dhaceysa garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Lama sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay Xudur, lamana oga sababta keentay shilkan diyaaradeed.

Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka Diyaaradaha Xudur.

 

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii galabta ka dhacay isgoyska Dabka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Haan laga shakisan yahay waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo Dib ugu laabtay Dhuusomareeb si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro) 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---