Allbanaadir.com
NEWS

Xasuuq isir sifeyn ah oo ka socda Gaza & Xamaas oo ku baaqday

Waqooyiga iyo bariga Qasa ee Beit Hanoun, Beit Lahia, Jabalia, Shuja’iya, iyo Khan Yunis ayaa dadkooda xoog looga saaray, iyadoo duqeymo lagu burburiyay goob kasta oo ay gabbaad ka dhigteen.

Shuhadada ayaa meydadkooda la gubay, inta noolna waxaa lagu gubay teendhooyin ay hurdaan.

Kumannaan kun ayaa hurda waddooyinka, oo teendho la’aan ah, wax aan gaajo iyo daal ahaynna wajiyadooda ka muuqda.!

Gantaallo horleh oo dhulka burburiyanaya oo dhagax iyo jidhka bani’aadanka midna ka tagin ayaa lagu garaacaya Qasa.

Ku dhawaad 200 ruux ayaa kaliya 24 saac ee u dambeysay lagu dilay Qasa , waxaana wali lagu garaacaya meel kasta oo ka mid ah marinka Qasa bambooyinka, halka taangiyada Israa’iilna madaafiicda ay ku garaacayaan goobaha ay dadka ku suganyihiin.

Telefishinka Al Jazeera oo soo bandhigaya muuqaallada argagaxa leh, waxay soo wariyeen nooc weerar oo aysan horey u arag inuu ka socdo marinka Qasa.

Wargeyska Mareykanka ah ee The Wall Street Journal, wuxuu sheegay inay Israa’iil ku daabushay wax ka badan kala bar milatarigeeda oo dhan marinka Qasa, waxayna shalay kaliya qabsadeen 30% gudaha marinka Qasa oo ay kala xireen, walina waxaa lagu daabulaya askarta wata taangiyada, mana jirto wax gargaar ah oo loo oggolyahay inay gaaraan Qasa.

Xamaas, waxay ku baaqday Jimcaha maanta ah in waddamada Islaamka iyo dunidda xorta isku soo baxyo ay ku cambaareynayaan xasuuqa inay dhigaan, oo la xoojiyo cadaadis kasta oo lagu joojin karo dhiigga waddooyinka buuxiyay ee carruurta iyo haweenka Qasa

Related posts

Qoysas Dhibaato xoogan ay kasoo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo go’aan ka soo saaray xanibaada hubka ee saran Somalia

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo xil muhiim ah u sharaxday in ay u tartanto Xil: Fowsiyo Yuusuf

Cabdi Cade
Taboola Ads ---