Allbanaadir.com
NEWS

Sawirada RW Xamse oo la suray jidadka Magaalada Laascaanod

Qabanqaabo iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo RW Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka socota magaalada Laascaanood, oo booqasho taariikhi ah uu ku tagi doono maalmaha soo socda

Ammaanka Laascaanood ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo aysan jirin Gawaari banaanka ka imaaneysa oo soo gali karta magaalada, waxana jidadka magaalada la suray sawirada Raisul wasaaraha iyo boorar lagu qoray ereyo soo dhoweyn ah

Haddii Booqashadan ay dhab noqoto, waxa ay noqon doontaa markii ugu horreeysay oo masuul sare uu booqdo Caasimadda gobolka Sool, kadib 56 sano.

Booqashadan haddii ay dhacdo waxa ay u muuqataa inuu Xamsa ku dhawaaqi doono Aqoonsi buuxa oo DFS ay ka hesho maamulka curdunka ee SSC KHAATUMO.

Dhinaca kale, siyaasiin kale iyo xildhibaano kasoo jeeda Somaliland ayaa isku dayaya inay Ra’iisul wasaaraha ka hor-istaagaan inuu booqdo Laascaanood.

Warar kale oo aan ka helayo xafiiska OPM ayaa ii xaqiijinaya in Guuto ciidan ah oo ka tirsan Koofi Gaduuda ilaalada Villa Somalia ay ku wajahan yihiin magaalada Laascaanood, si ay u sugaan ammaamka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland oo la doortay (Magacyada +Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo taageertay Ukraine iyo xiriir diblumaasiyadeed oo…

Cabdi Cade

(Sawirro) Mohamed Bin Salman oo safarkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday ka dib dilkii Khashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---