Allbanaadir.com
NEWS

Awoodda gantaalka Sejjil ee xalay Iiraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan, ayaa xalay adeegsatay mid ka mid ah gantaalladeeda awoodda wax burburiya leh ee riddada dheer, iyadoo si kooban ay usoo bandhigeen macluumaad la xiriira gantaalkan ; ciidanka ilaalada kacaanka oo gantaalka Sejjil, soo saaray!

Gantaalka Sejjil, oo ah nooc laba-marxaladood ah (two-stage missile) kuna shaqeeya shidaal adag, ayaa laga riday saldhigyada Iran iyadoo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaal gudaha Israa’iil.

Gantaalkani wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo aad uga duwan kuwa kale ee gobolka:

  • Xawaare:

Marka uu hawada ka soo dagayo, si uu u beegsato bartilmaameedka, wuxuu gaarayaa Mach 12–14 ( afar iyo toban jeer ayuu ka dheeraya codka labada qof ee is hor fadhisa inta ay is gaarayaan) taasoo la micno ah inuu u dhaqaaqayo si xad-dhaaf ah — in ka badan 4,300 km/saacaddii. Taasi waxay adkeyneysaa in la qabto ama lagu toogto nidaamyada difaaca cirka.

  • Fogaanta uu gaaro

Waxaa lagu qiyaasaa inuu gaari karo 2,000 ilaa 2,500 km, taasoo ka dhigaysa mid awood u leh inuu gaaro dhammaan dhulka ay heysato Israa’iil, saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe, iyo xitaa qaybo ka mid ah Bariga Yurub.

Culeyskiisa:

Culeyska guud: waa 22.5 tan

  • Nidaamyo casri ah

Gantaalkan , waxaa ku xiran nidaamyo hagis toos ah oo ka leexin kara nidaamyada difaaca , sidoo kalena lagu hagi karo (GPS), isagoo ku jira hawada meel aan ahayn halkii bartilmaameedkii hore uu ahaa ( isagoo ku socda jihada koonfur ayaa loo diri karaa bartilmaameed jihada waqooyi ah).

IMAN JAMA

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Cabdi Cade

Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweyne Ruto oo ka bilaabatay garoonka Kasarani (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---