Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo qaaday talaabo uu kaga aar gudanayo go’aankii Trump

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in uu canshuuro dheeraad ah (additional tariffs) ku soo rogi doono badeecooyinka Mareykanka, laga bilaabo 10-ka Abriil. Sidoo kale, wuxuu ku daray 16 hay’adood Mareykan ah liiska kormeerka dhoofinta (export control list).

Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqay canshuur 34%  inuu ku soo rogay dhammaan badeecadaha Mareykanka , iyadoo canshuurtan oo dhaqangelaysa 10 bisha April ay jawaab u tahay canshuurtii uu Trump saaray wax-soosaarka Shiinaha,sida uu daahqaaday wargeyska Financial Times.

Tani waa jawaab cad oo Shiinuhu ka bixiyay canshuuraha adag ee uu Mareykanku saaray, waxayna sare u qaadayaan xiisadda ganacsi ee u dhexeysa Beijing iyo Washington.

Trump ayaa u soo bandhigay Shiinaha heshiis uu uga dhimayo canshuuraha uu saaray , isagoo sheegay haddii Shiinaha oggolaado inuu ka iibiyo Mareykanka barta bulsho ee TikTok inuu hoos u dhigi doono canshuurta uu saaray wax soo saarka Shiinaha.

Wuxuu caddeeyay Trump, mid ka mid ah ujeeddooyinka uu ka leeyahay canshuuraha uu dalalka caalamka ku soo rogay inay tahay cadaadis uu ku raadinayo heshiisyo horey loogu diiday Mareykanka.

 

Related posts

Madaxweyne Biden iyo Xaaskiisa oo booqday Iskuulkii ardayda badan lagu laayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo Wasiirro cusub magacaabay (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Daru-salaam (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---