Golaha amaanka ee QM oo go’aan ka soo saaray xanibaada hubka ee saran Somalia

Kulan ay magaalada New York u yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee Q/Midoobey ayay kaga doodeen qaraar ay hor dhigtay dowladda UK oo la xiriiray muddo kordhinta xayiraada hubka ee saran Somalia.

Golaha ayaa ugu dambeyn isku raacay qaraarka, iyadoo muddo sanad lagu kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo soo jirtay muddo ka badan 28kii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Golaha ayaa cambaareeyay hubka iyo rasaasta sharci darada ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo xadgudubka ku ah cunaqabateynta QM.

Waxyaabaha kiimikada ee loo dhoofiyo Soomaaliya ayuu sidoo kale goluhu xayiraad ku soo rogay, kuwaasoo Guddiga Khubarada QM ee la socda arrimaha Soomaaliya ay sheegeen in Al-Shabaab ay u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

Dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Equatorial Guinea ayaa ka aamusay codeyntan waxayna qaarkood sheegeen in waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha ay ku jiraan cunaqabateynta saran Somalia kuwaasoo aysan faahfaahin ka bixinin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -