Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo xil muhiim ah u sharaxday in ay u tartanto Xil: Fowsiyo Yuusuf

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sharaxday xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam oo katirsan Baarlamaanka Federaalka in ay Soomaaliya ku matesho tartanka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya dooneyso in ay door weyn ka qaadato xoojinta ururada caalamiga iyo kuwa gobolka u sharaxday Xildhibaan Fowsiyo in ay u tartanto xilkan muhiim ah.

”Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf ayaa horey usoo noqotay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa ay sidoo kale isku soo sharaxday xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Masjid Weyn oo kuyaala dalka Kenya oo la bur buriyay iyo caro xoogan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Cali Gacal oon la dhacsaneyn Qorshaha Xukuumada ee ku aadan Galmudug kuna sii jeeda magaalada …

Cabdi Cade

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka shiray Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabbadsugida (Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---