Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo shaacisay beesha uu ka soo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Baladweyne

Al-Shabaab ayaa shaahisay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo dagaalyahankii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacaym magaalada Balad-weyne

Idaacadda ku hadasha codka Al-shabaab ayaa  sii deysay cod laga duubay dagaalyahanka, ka hor inta uusan fulinin weerarka isqarxinta ah oo lagu dilay dad 50 ka badan oo ay ku jirtay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi iyo dad kale oo shacab u badnaa.

Dagaalyahankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa sida ay Al-shabaab sheegtay ka dhashay beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Celi Dheere waxaana kasoo jeedaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu jeediyey fariimo dhowr ah oo ku saabsan sababta keentay inuu weerarkaas fuliyo iyo waxa ku dhiirageliyey talaabadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tareenka Kenya oo sanadkii koowaad lugaha la galay khasaare Maaliyadeed

Caydiid Ali

Senator cusub oo loo doortay Aqalka Sare ee BFS (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Saraakiil Milatari oo booqatay Deegaankii dhawaan lagu dilay Askariga Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---