Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir oo lagu soo dhoweeyey Xarunta Jaamacada Gaalkacyo (Sawirro)

Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayey Guddoomiyaha Jaamacada Benadir Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacada Gaalkacyo  University (GU) oo ku taalla Koonfurta magaaladaas.

Prof. Dalmar oo sidoo kale ah Guddoomiye ku-xigeenka dallada Jaamacadaha Soomaaliyeed ee Somaliren ayaa waxaa xarunta Jaamacada Gaalkacyo ku soo dhaweyay Prof C/qaadir Maxamed Shirwac oo ah Guddoomiyaha Jaamaacada, macalimiin, aqoonyahano iyo arday fara badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir oo ka hadlay ardayda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu ku joogo Gaalkacyo, isagoo ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyey Jaamacada Gaalkacyo University.

Dr. Dalmar ayaa xusay inuu bogaadinayo dedaalka iyo horumarka ay ku talaabsaneyso Jaamacada Gaalkacyo, wuxuuna maamulka, macalimiinta iyo ardayda jaamacada ku booriyey iney sii xoojiyaan dedaalkooda la xiriira sare u qaadida aqoonta.

“Anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Jaamacada Benadir iyo gudoomiye ku-xigeenka dallada Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxaan balan-qaadayaa inaan markas diyaar u nahay ka qeyb qaadashada horumarinta Jaamaacada Gaalkacyo” ayuu yiri Prof. Dalmar oo ka m id ah aasaayaasha Jaamacadda Gaalkacyo.

Sidoo kale. Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir ayaa Woqooyiga Gaalkacyo kula kulmay Maamulka sare ee Jaamacadda Puntland University for  Science and Technology, waxayna madaxda labada Jaamacadood ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka, iskaashiga iyo isdhaafsiga dhinaca aqoonta iyo khibradaha waxbarashada, wuxuuna kulankaas ku dhamaaday jawi wanaagsan oo isafgarad leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -