Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo lagu qasbay in uu raali galin bixiyo

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa lagu qasbay in uu raali galin ka bixiyo hadal gaf lagu sheegay uu dhawaan ka hor sheegay Xildhibaanada golaha Shacabka.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirkan waxaa cadaadis ku saaray in uu raali galin bixiyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomniyaha golaha shacabka kuwaa oo dhibsaday sida uu u hadlay Wasiiru-Dowlaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta Baarlamaanka hortagay ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii gafka ahaa uu sheegay, waxa uuna si gaar ah u raali galiyay dadka ku hadlay lahjada Mayga.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa su’aal afka Mayga ah dhawaan Wasiirka xili uu Baarlamaanka horjoogay ku weediiyay, hasa ahaatee Wasiirka ayaa si yasmo ku jirto u sheegay in uusan waxbo ka fahmin lahjada Mayga Xildhibaankana uu fursad iska khasaariyay.

Hadalka Wasiirka ayaa si weyn loogu lafa guray baraha bulshada, waxaana hadalkan yasmada ku jirtay ka carooday Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Wasiirka loogu baaqay in raali galin bixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Asad Diyaado oo hoggaan cusub howlgeliyay iyo Amiir oo ruqsad bixiyay

Cabdi Cade

Maamulka Somaliland oo u Mahad celiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Ku-xigeenkii Muuse Biixi oo taageeray Musharax C/raxmaan Ciro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---