Kala wareegii Isgoyska Zoope oo dhagxaan lagu jaray & Sababta ka dambeysa

Maamulka Gobola Banaadir ayaa xalay dhagxaan ku jaray kala wareegga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

Maamulada degmooyinka Hodon iyo Wadajir ayaa la amray in dhagxaan ay ku jaraan wadada Zoope oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caasimada.

Gaadiidka doonaya inay u leexdaan jidka Buulo Xuubeey ayaa ka soo wareegaya albaabka Wasaaradda Arimaha Dibadda, halka gaadiidka ka yimaada Buulo xuubey ee raba inay aadaan Isgoyska Banaadir ay ka soo wareegi doonaan Laamiyaraha Zoobe.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir ayaa talaabadan ku tilmaamay mid hoos loogu dhigayo saxmada dhinaca gaadiidka ee isgoyska Zoope oo sababta in wadada ay u xiranto ciriiri awgeed, lamase oga in talaabadan ay yareyn karto ciriiriga ka jiray isgoyskaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -