Maamulka gobolka Tigray oo jawaab kulul ka bixiyey eedeyn kaga timid Q/Midoobay

Masuuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa beeniyay eedeyn kaga timid Qaramada Midoobay oo aheyd in ciidamadoodu ay shidaal ka xadeen bakhaar ay leedahay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP oo ku yaalla magaalada Makelle.

Agaasimaha WFP David Beasley ayaa sheegay in ay xatooyada dhacday Arbacadii, oo ahayd maalintii uu dagaalku dib u qarxay ka dib xabbad joojintii bini’aadantinimo ee bishii Maarso ay ku heshiiyeen ciidamada Tigray iyo dawladda Itoobiya.

“Dabley hubaysan ayaa gudaha u galay xarunta WFP ee magaalada Makelle waxayna xoog ku qabsadeen 12 booyadood oo sidday in ka badan nus milyan litir oo shidaal ah. Shidaalkan waxaa dhawaan soo iibsatay WFP, wuxuuna yimid maalmo ka hor inta aan la xadin,” ayuu yiri.

Hase yeeshee maamulka gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay hadalka David Beasley mid xaalad abuur ah. waxayna sheegeen inay dib ula laabteen 600,000 oo litir oo shidaal ah oo ay Tigray horay u amaahisay WFP dhowr bilood ka hor.

Waxay bayaankooda ku sheegeen in si waafaqsan heshiiskii ay wadagaleen iyaga iyo WFP ay u dalbadeen inay dib u helaan amaahdoodii shidaalka. “Shidaalka waxaa loo isticmaali doonaa in lagu socodsiiyo adeegyada aasaasiga ah, sida isbitaallada, iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee gobolka Tigray oo ay waxyeello u geysteen ciidamada soo duulay.”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay maamulka gobolka Tigray

Tigray ayaa intaa ku dartay in ay rajeynayaan in la xaliyo ismaan dhaafka jira “Waxaan ku dadaaleynaa inaan la shaqeyno saaxiibada iyo hay’daha bani’aadamnimada ka shaqeeya ee aadka ugu dadaalaya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka bini’aadaninimo ee ka jira gobolka Tigray” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

- Advertisement -