Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah Maskaxdii maleegtay weerarkii Hotel Saxafi oo gacanta lagu dhigay

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah Maskaxdii maleegtay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee lagu qaaday Hotelka Saxafi.

Hay’adda Nabad sugida ayaa sheegtay in howlgal si taxadar ah ciidamada amaanka u sameeyeen kusoo qabteen mid kamid ah maskaxdii wax ka qorsheesay weerarka Hotelka Saxafi lagu qaaday.

”Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar.
Waxaana la horgayn doonaa sharciga” Ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Al Shabaab ayaa weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah 9-kii Nofembar ee sanadkna ku qaaday Hotelka Saxafi, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad ka badan 40-qof oo u badnaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Yuhuuda oo ku dhintay duqeyn ay fulisay dayuurad Drone ah

Caydiid Ali

Talibaan oo dishay Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo ka dambeeyay Weerar dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---