Allbanaadir.com
NEWS

Askari dilal argagax leh ka geystay Magaalada Hargeysa

Dhacdo xanuun badan ayaa laga soo sheegay magaalada Hargeysa, kadib markii askari ka tirsan Ciidamada Somaliland uu toogasho ku dilay xaaskiisa iyo gabadh yar oo uu dhalay.

Askariga ayaa sidoo kale dhaawac culus u geystay walaasha xaaskiisa (dumaashiidiisa).

Maydka iyo dhaawaca ayaa si degdeg ah loogu qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasoo hadda lagu dabiibayo dumaashida dhaawacantay, halka labada ruux ee kale la xaqiijiyay geeridooda.

Ilaa hadda, laamaha amniga Somaliland wax faahfaahin rasmi ah kama bixin sababta ka dambeysay falkan foosha xun iyo in eedeysanaha gacanta lagu dhigay.

Dadka deegaanka oo ka argagaxay falkan ayaa si weyn u hadal haya arrintan, iyaga oo dalbanaya in cadaalad degdeg ah la helo.

Related posts

Caabuqa Faafa ee CoronaVirus oo Xiisad Cusub Dhexdhigay Quwadaha Adduunka!

Cabdi Cade

Weriye caan ah oo caawa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Muxuu Deni kala hadlay saraakiisha laamaha amniga Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---