Allbanaadir.com
NEWS

Talibaan oo dishay Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo ka dambeeyay Weerar dad badan ku dhinteen

Kooxda Taalibaan ee maamusha dalka Afganistan ayaa la sheegay in ay dileen hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish, kaa oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul sannadkii 2021-kii.

Qaraxyo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Kabul xilli daad-gureyn socoray sannadkii 2021-kii ayaa waxaa ku dhintay 170-qof oo shacab u dhashay Afganistan iyo 13-askari oo u dhashay dalka Mareykanka.

Saraakiil qariyay magacooda oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in dhowr todobaad kahor la dilay hoggaamiyahn katirsanaa kooxda Daacish, waxaana dilka hoggaamiyahan ka dambeesay kooxda Taalibaan oo ku raad-joogtay.

Mareykanka saraakiishooda ayaa sheegay in ay oggaadeen kaliya in la dilay hoggaamuyahan katirsanaa kooxda Daacish, mana sheegin Mareykanka qaabka ay kooxda Taalibaan u dileen hoggaamiyahan Daacish muhiimka u ahaa.

Maamulka Talibaan ee haya talada dalka Afganistan ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ku aadan in ay dileen Taalibaan ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay garoonka Kabul xilligii Taalibaan la wareegayeen talada Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo Dar daaran Muhiim ah u jeediyay masuuliyiinta dowladda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo taageero balaaran loogu muujiyay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “La yaab ma leh in koox wax ma garata lagu qaldo wadaniyad been abuur ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---