Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa abaaro saakay 7:30 daqiiqo qarax miino oo laamiga dhinaciisa la dhigay uu ka dhacay laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dhabarka Dambe ee xerada Damaanyo.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in qaraxa miino lala eegtay gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Hilux ama qooqan oo xiligaasi laamiga marayay, waxaana la sheegay in gaarigaasi uu si dirqi ah uga bad baaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa Miino ee saakay ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan dhabarka Dambe ee Xerada Damaanyo ee degmada Hodan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo nin oo la socday Mooto Bajaaj kuwaa oo isbitaal loola cararay.

Wali lama oga cida lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo qaraxan miino ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo booliis ah oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -